Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Sidee ku dhacday in Itoobiya lagu celiyo Taaj la xaday boqolaal sano ka hor? (Sawirro)

Taaj laga xaday dalka Itoobiya qarnigii 18-aad ayaa ugu dambeyntii lagu wareejiyay dowladda Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa barta Twitter-ka soo geliyay sawirro muujinayo isago lagu wareejinayo taajka, waxaana ku wareejiyay wasiirka ganacsiga iyo iskaashiga dalka Netherlands

Nin u dhashay Itoobiya oo lagu magacaabo, Sirak Asfaw oo uu u qaxay dalka Netherlands dabayaaqadii toddobaatamadkii ayaa arkay nin Taajka ku sita boorsad, markiiba, wuxuu ogaaday in lasoo xaday.

Maamulka guriga uu joogay ninkii sitay Taajka ayaa gacanta ku hayay isla markaasna ka shaqeeyay sidii dib loogu celin lahaa Itoobiya.

Taajkan oo laga xaday dalka Itoobiya boqolaal sano ka hor wuxuu kamid yahay taajajka dhifka iyo naadir ah ee laga helo dunida, waxaana ku xardhan astaanta masiixiyiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Sidee Munaasabada 1da Luulyo looga dabaal degay Magaalada Garowe? (Sawirro)

Caydiid Ali

DF oo War ka soo saartay xanibaada Mareykanku saaray xubno ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Deni: “Shirkan wuxuu ku soo aaday xili muhiim ah oo aad loogu baahnaa”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---