Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Duqa Muqdisho oo amar & ganaax wada socda ku soo rogay Maamulada degmooyinka

Shirka Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar shirkaan ayaa waxaa shir Gudoomiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Waxaa looga hadlay shirka Dardar galinta Amniga Magaalada Nadaafada, kordhinta dakhliga iyo qodobo kale.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa amar lagu siiyey iney fuliyaan amarkii ku saabsanaa in wadooyinka laga aruuriyo Xoolaha, lana geeyo xarunta baadi-qabadka si bilicda magaalada loo ilaaliyo.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in degmadii jidadkeeda lagu arko xoolo dhex socda maamulkeeda lagu ciqaabi doono ganaax lacageed oo aan cadadiisa la sheegin.

Maamulka gobolka Nanaadir ayaa dhowaan xariga ka jaray Xarunya baadi qabadka xoolaha oo loogu talo galay in la geeyo xoolaha ciidanka dowlada hoose ka ururiyaan jidadka magaalada si loo ganaaxo dadkii lahaa ee ku soo daayey jidadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Maaliyadda oo Shaacisay war ku saabsan Canshuurta Gadidda

Cabdi Cade

Xamse Barre oo dibadda u baxay iyo Ujeedka safarka oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Taliska ciidanka Booliska oo War ka soo saaray dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---