(Daawo) Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharciga doorashooyinka heer Qaran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa saxiixay Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal oo ay hore u soo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.‬

Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in dalku Doorasho aadayo wixii ka bilowda caawa 21 Febraayo 2020.

Isagoo khudbad ka jeedinayey xaflad loo sameeyay xeritaanka kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ayuu sheegay in Sharciga Doorashooyinka Heer Federaal aanu ahayn sharcigii uu isagu keenay, balse ay soo diyaariyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya isaguna uu hortooda ku saxiixayo.

Raisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre ayaa akhriyey wareegtada lagu saxiixay sharciga doorashooyinka isagoo xusay inuu dhaqan gal yahay marka lagu faafiyo warbaahinta dowlada oo toos u baahineysay.

Howsha fulinta doorashada ayuu sheegay iney fulin doonaan guddiga doorashooyinka Qaranka oo la tashiyo la sameyn doona guddiga doorashooyinka qaranka, isagoo dhinaca kale labadii madaxweyne ee ka horeeyey ku amaanay waxqabadkoodii.

HOOS KA DAAWO SAXIIXA IYO KHUDBADA MADAXWEYNAHA OO DHAMEYSTIRAN.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -