DEG DEG: Dalalka Sacuudiga & Qatar oo isku furay xuduudaha dhulka, Cirka iyo Badda

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Kuwait Sheikh Ahmed Nasir Al-Ahmed Alsabaax ayaa shaaciyey in Sacuudiga iyo Qatar ay isku fureen xuduudka Dhulka, Badda iyo Cirka, laga bilaabo caawa.

Heshiiskan oo garwadeen ay ka aheyd dowlada Kuwait ayaa soo afjaraya sanado go’doon lagu soo rogay dalka Qatar, waxaana sidoo kalr warkan goor dhow baahiyey Telefishinka Al jazeera.

Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa go’doomiyey dalka Qatar oo ay ku eedeyeen inuu taageero aragagixisada, waxaana weli heshiiskan ka maqan dalalka kale.

Amiirka dalka Kuwait Sheikh Nawaf Aljaabir Alsabaax ayaa xiriir dhinac telefoonka ah la yeeshay Amiirka dowladda Qatar Amiir Tamim Bin Hamid iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, iyadoo lagu heshiiyay labada dalka ee Qatar iyo Sacuudiga inay isu furaan dhammaan xuduudaha.

Shir madaxeedka dalalka Khaliijka ee dalka Sacuudiga lagu qabanayo beri ayaa la filayaa  in lagu soo afjaro doono khilaafkii Qatar iyo dalalka Khaliijka qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -