Allbanaadir.com
NEWS

Kenya oo joojisay Munaasabad maanta lagu soo dhaweyn lahaa C/Raxman C/shakuur

 

Wararka aan ka heleyno magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya in laamaha amaanka dalkaasi maanta joojiyeen munaasabad soo dhaweyn ah oo Jaaliyada Soomaaliyeed u sameyn lahaayeen Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Ciidamada amaanka Kenya ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo Munaasabad lagu so dhaweyn lahaa Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir Cabdiraxaan C/shakuur, munaasabada ayaana lagu waday in 1-da Duhurnimo  ka dhacdo hoolka Sir Cali Muslim Club ee Nairobi.

Dadkii ku sugnaa hoolka munaasabada ka dhici laheyd iyo kuwa kusoo jeeday ayaa lagu wargaliyay in guryahooda ku laabtaan, mana sheegin laamaha amaanka dalka Kenya sababta munaasabadaasi loo joojiyay.

Siyaasiga C/Raxmaan C/shakuur oo dhawaan xayiraada dhinaca safarka ah ka qaaday dowlada Soomaaliya ayaa tagay magaalada Nairobi, waxaana la filayay in maanta uu khudbad u jeediyo dadweyne soo dhaweyn lahaa.

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya  Aadan Barre Ducaale , ayaa horey u sheegay in dowlada Kenya aysan marnabo ogolaan doonin in dalkeeda lagu qabto shirar lagu mucaaradayo Dowlada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey sidan oo kale Muqdisho uga joojisay munaasabado uu qaban lahaa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Xubnaha dowlada Mucaaradka ku ah inta badana dowlada wax ka sheega.

Qoraal uu Facebooka soo dhigay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayuu uga tacsiyadeeyay taageerayaashiisa xaflada soo dhaweynta ah ee baaqatay, waxa uuna arintaasi in ay ka dambeesay ku eedeeyay dowlada Madaxweyne Farmaajo.

Qoraalka uu Facebook soo dhigay CC Warsame ayaa u qornaa sida tan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Madaxweyne caan ah oo gabadhiisa ka dhigay Madaxweyne ku-xigeen

Caydiid Ali

Mareykanka oo dowlada Somalia ku wareejiyey hub, Gaadiid iyo saanado kale (Sawirro)

Caydiid Ali

Gabar Caan ka aheyd TikTok oo lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---