Wasiirkii Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya oo is casilay (Daawo Sawirada)

Wasiirkii Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta xilkaasi iska casilay, waxa uuna Wasiirka isku soo sharaxay Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Wasiirada Xildhibaanada ah ee doonaya xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka in marka hore iska casilaan xilka Wasiirnimo kadibna u tartamaan xilka Gudoomiya.

Wasiir Mursal ayaa kamid ah xubnaha sida weyn loo saadaalinayo in ay kusoo bixi karaan xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waxa uuna Mursal Go’aansaday in uu xilka Wasiirka iska casilo una tartamo doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shahaadada musharaxnimo waxa ay siiyeen Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo soo buuxiyay shuruudihii laga rabay .

Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxaa isku soo taagay musharixiin dhoor ah oo xilkaasi hami uu ka hayo, waxaana Musharaxiitna ku jira dhoor Wasiir kuwaa oo is casilay kahor inta aan shahaadada Musharaxnimo aan la siin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -