Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Sacuudiga Oo Xabsiga Dhigay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in ay…

Ciidamada amaanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xabsiga dhigay 30 qof oo ka soo kala jeeda 12 dal kuwaa oo lala xeriirinayo falal argagaxisnimo oo bishii April ka dhacay dalkaasi, sida boolisku sheegeen.
Dadkan la tuhmay ayaa xabsiga loo taxaabay waxaana lagu hayaa baaritaano ku saabsan ineey xeriir la leeyihiin kooxaha Argagixsada loogu yeero, dadka la xir xiray ayaa ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Sudan, Yeman, Masar, Turkey, Kenya, Iran, Syria, Baxreyn iyo Kyrgyzstan.
Tirada dadka Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Sacuudi carabiya ayaa ah Afar Qof waxaana loo heystaa iney wada shaqeyn kala dhaxeyso kooxaha jihaadiyiinta ee weerarada ka geesta dalalka Yurub, Bariga Dhexe  iyo Africa.
Dad tiradoodu ay dhan tahay  5,348 qof ayaa xabsiyada dalka Sacuudi Carabiya ugu jira dambiyo ah ineey weeraro geesteen iyo in ay ka tirsan yihiiin kooxaha argagisiada, qaar ayaa racfaan doonaya ineey qaataan halka kuwa kalena baaritaano lagu hayo.
Sacuudiga ayaa feejignaan dheeri ah kaga jiro kooxaha loogu yeero argagixsada iyadoona dhawaan xoghaya guud ee Qaramada midoobay Antonio Guterres uu ku amaanay xukuumada Riyad sida ay kaga go’antahay in kooxahaasi laga feejignaado.
W/ Turjumay: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
Xigasho: albawaba.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Guddoomiye Cali Gacal Casir lagu xanibay garoonka Jomo Kenyatta?

Caydiid Ali

Shirkii 5-aad ee Culuumta Engineering science & Technology oo Muqdisho ka furmay (Sawiro)

admin

Shirkada Golaha Iskaashiga oo maanta ka furmaya Garawe iyo Qodobada looga hadli doono

Cabdi Cade