Taliye ku-xigeenkii Xoogga dalka: “Labo maalmood ka hor ayaan xilka iska casilay”

Taliye ku-xigeenkii Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeya Guuto Maxamed Cali Bariise ayaa sheegay inuu xilka iska casilay labo maalmood ka hor.

Hadalka Bariise ayaa yimid wax yar ka dib markii madaxtooyada Somalia ay shaacisay in Madaxweyne Farmaajo uu xilkii ka qaaday taliyihii ku xigeenkii xoogga dalka.

“Warqadda iscasilaadeyda labo maalmood ka hor ayaan u gudbiyay dhinacyada ay khuseyso, ma garanayo sababta baraha Facebook iyo Twitterka Villa Somalia ugu faafisay in anniga xilka la iga qaaday, iyadoo aan la iiga soo jawaabin iscasilaadeyda” ayuu yiri Taliye ku-xigeenkii Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeya Guuto Maxamed Cali Bariise.

Waxaa uu sheegay in iscasilaadiisa ay timid kaddib markii uu arkay marxalada adag ee uu dalka marayo gaar ahaan qeybta difaaca ee uu dalka marayo iyo faragelinta siyaasadeed ee lagu haayo ciidanka, isagoo soo bandhigay warqada uu isku casilay labo cisho ka hor.

HOOS KA AKHRISO WARQADA UU TALIYE BARIISE SHEEGAY INUU LABO CISHO KA HOR ISKU CASILAY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -