Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir oo shajo joojin lagu sameeyey

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Baashe Yuusuf Maxamed ayaa shaqo joojin ku sameeyay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macalin Cabdi sida ay sheegayaan warar soo baxaya

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa allbanaadir online u xaqijiyey in talaabadan ay ka dambeysay ka dib khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Labada masuul.

Khilaafka u dhexeeyey labada masuul ayaa la sheegay inuu in muddo ah soo jiitamayey, iyadoo  haatan su’aalo la iska weydiinayo awooda dhinaca sharciga ah ee Guddoomiye Baashe uu u leeyahay inuu xilka ka qaado gudoomiyaha Maxkamada gobolka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in in Ku-simaha Gudoomiyaha Maxkamadda G/Banaadir loo magacaabay Cabdisalaan Macalin Cabdi oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Howlwadaag, Cabdisalaan Macalin Cabdi Guure.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir looga hadlayay Qoondad Haweenka ee Gollaha Deegaanka oo Gaalkacyo lagu qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo khudbad ka jeediyey shirka Midowga Yurub (Sawirro+Video)

Caydiid Ali

Macalimad fal argagax leh kula kacday caruur ay wax bareysay oo dil lagu xukumay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---