Allbanaadir.com
NEWS

Xamse oo ka qeyb galay Xus ka dhacay Safaarada Turkiga (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo galabta ka qeyb galay xuska maalinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Turkiga, oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in mustaqbalka Qaran walba uu gacanta ugu jiro dhallinyarada dalkiisa, loona baahan yahay in ay ku hagaan jidka toosan, si dalkaas horumar u gaaro.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hambalyo ku aaddan maalintan u diray dowladda iyo Shacabka Turkiga, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya iyo Turkiga uu ka dhexeeyo xiriirka saaxiibtinimo iyo mid walaaltinimo oo soo jireen ah, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi iyo taageero.

“Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ay leeyihiin walaaltinimo qoto dheer, oo ku saleysan kalsooni iyo is-garab istaag, maalmaheennii ugu adkaa, Türkiye wuu nagu garab istaagay, waxaa uu Soomaaliya la maray dariiq walba, isagoo dhisay isbitaallo, waddooyin, iskuullo iyo rajo. Wuxuu tababaray ciidamada. Wuxuu xoojiyey hay’adaha, Wuxuu garab istaagay shacabka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay  ciyaaro kala duwan oo lagu maamuusayey qiimaha maalinta dhallinyarada Turkiga ee 19 Maajo iyo maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15 Maajo.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo ka cirib tireysa deegaannada Al Shabaab laga xoreeyay Cudurka …

Cabdi Cade

USA iyo Somalia oo kala saxiixday ku kacaya Bilyan Dollar

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo Digniin adag u dirtay nootaayooyinka kuyaalla Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---