Allbanaadir.com
NEWS

Kheyre oo kormeer kedis ah ku sameeyay xarumo Wasaaradeed (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo xalay dalka dib ugu soo laabtay, ayaa maanta kormeer kedis ah ku sameeyay xarumaha wasaradda Warfaafinta, Haweenka , Kalluumeysiga, ganacsiga, Beeraha iyo xanaanada xoolaha.

Kormeerka ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda ay ku leeyihiin tubaha qaranka iyo sare u qaadidda isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Ra’iisul Wasaaraha oo wasaaradaha uu kormeeray ugu tegay howl-wadeenno ku jira shaqooyinka qaranka, ayaa ka xog wareystay xaaladda shaqo, waxuuna ku dhiirri geliyay inay laba jibbaaraan shaqooyinka ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran horumarinta iyo soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-shabaab oo soo bandhigtay saldhigii Faxfaxdhuun ee ay ka baxeen ciidanka Kenya (Sawirro)

Caydiid Ali

DF oo amartay la soo xiro agaasime loo heysto musuq, lana xanibo akoonkiisa

Caydiid Ali

Milateriga afgembiga ku qabsaday talada Niger oo xili kama dambeys ah loo qabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---