Allbanaadir.com
NEWS

Kooxo hubeysan oo caawa toogasho ku dilay agaasimihii Wasaarada..

Koox hubeysan ayaa ku diley caawa xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar Agaasimaha Waaxda Arimaha Diinta ee Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Hirshabelle.

Dr. Mohamed Abdi Cali Dr. Gaalib ayaa lagu dilay farmashi uu ku lahaa magaalada ka dib markii ay soo weerareen kooxo bastoolado ku hubeysan.

Dilka Marxuumka oo ahaa nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ahaa isla markaana ka soo shaqeeyay xarumo kala gedisan oo dhinaca caafimaadka ayaa waxaa si weyn uga naxay shacabka Magaalada Jowhar.

Raggii ka dambeeyay dilka Dr. Gaalib ayaa goobta ka baxsaday hase yeeshee, Ciidamada Booliska ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay iyagoo baaritaano ay ka sameeyey.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Hirshabelle Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim, Cali ciiley, ayaa tacsi u direy qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumka.

 

Related posts

Madaxweyne Xasan oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Norwey (Sawirro)

Cabdi Cade

Puntland oo u yeeratay xubnaha ku metela goleyaasha DF

Caydiid Ali

Jubbaland oo si deg deg ah u hogaansantay Baaqii Guddiga Doorashada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---