Mdaxweyne Farmaajo oo xilkii ka qaaday Sareeye Guuto Maxamed Cali Bariise

Madaxweynaha Somalia Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu maanta xil ka qaadis ku sameeyay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Maxamed Cali Bariise.

‪Sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay Villa Somalia Xil ka qaadistan oo dhaqan galaysa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20ka Febraayo 2020 ayaa timid keddib markii uu Madaxweynuhu garwaaqsaday baahida loo qabo in lagu sameeyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed tayeyn iyo qaabeyn joogta ah.

Faahfaahin dheeri ah lagama bixin sababta xilka looga qaaday Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise, lamana magacaabin sarkaalkii bedeli lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -