Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Ilhan Cumar oo Halis wajaheysa iyo Hanjabaadyo culus oo loo diray

Xildhibaan Ilhan Cumar oo kamid ah Xubnaha  Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka ayaa xiligan wajaheysa cabsi iyo halis lasoo daristay kadib markii hanjabaadyo ay ku jiraan dil loo diray.

Ilhan Cumar ayaa sheegtay in loo soo diray fariimo badan oo hanjabaad cod ah, waxa ayna warbaahinta kasii deysay qaar kamid ah hanjabaadyada codka ah ee loo soo diray taas oo walaac xoogan ku beertay.

“Markii ugu horeysay ee xisbiga dhexdiisa la ii xushay in aan ku tartamo kursigan, maalin kadib waxaa isoo gaartay farriintii ugu horeysay oo hanjabaad dil ah “ayay tiri Ilhaan oo muujisay in hanjabaadaha ay muddo soo jiitameen.

Xildhibaanada ayaa sheegtay in inkasta oo siyaasiyiin kale ay helaan hanjabaado, haddane kuwa iyada loo jeediyo ay sababta tahay diinteeda iyo isirkeeda, waxayna intaas ku dartay in dhamaan hanjabaadaha ay ku jiraan fikrado uu horey uga faafiyay Trump.

Ilhan Cumar ayaa mudooyinkii dambe la kulmeesay hanjabaadyo iyo fariimo iyada lagu dhaawacayo, waxa ayna Ilhan Cumar u muuqataa mid aan saameyn inta badan ku yeelan fikirkeeda siyaasadeed hanjabaadyada hawada loo mariyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydka Gabar yar oo si arxan daro ah loo dilay oo lagu arkay magaalada Gaalkacyo

Cabdi Cade

Qoor-qoor, Waare iyo Laftagareen oo Muqdisho soo gaaray & Wakiilada beesha caalamka oo..

Caydiid Ali

Aqalka Cad oo War kasoo saaray qaraxyadii lagu hoobtay ee ka dhacay Soobe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---