Taliska XDS oo faahfaahin ka bixiyey weeraro saaka ka dhacay J/hoose iyo Sh/hoose

Saraakiil ka tiran ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahiyay weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah iyo dagaal oo saaka Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Ceel-Saliini ee gobolka Sh/hoose.

Saraakiishan ayaa sheegay inay ka hortageen weerarkan, isla markaana ay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ku gaarsiiyeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Saraakiishu waxa ay intaasi ku dareen in iyagoo ku jira feejignaan uu dagaalku dhacay, taasina ay sahashay inay fashliliyaan, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale, Ciidamada daraawiishta Jubbaland oo garabsanaya ciidanka Xoogga dalka iyo ciidamada nabad ilaalinta Taliska Midawga Afrika ee AMISOM ayaa maanta hawlgal qorshaysan ka wada degaano hoos taga dagmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in hawlgalkan uu yahay mid Al-Shabaab looga sifeynayo kaymaha iyo dhulalka hawdka ah ee ku dhow dagmada Jamaame.

Taliyaha Ciidamada Danab qaybta Jubaland Gaashaanle Xasan Aadan Maxamed Ciraaqi ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidammada hawlgalkan fulinaya ay 3dii aroornimo ee saaka hawlgalkooda ka qaadeen xerada taliska ciidanka ee Baar Sanguuni.

Gaashaanle Xasan Ciraaqi ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Al Shabaab ay dib uga sii guranayaan oo ay isaga cararayaan meelaha ay ciidamadu ku sii siqayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -