Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Wafdi ka socda Raisul Wasaaraha Itoobiya oo ka degay Magaalada Hargeysa

Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa waxaa goor dhow gaaray Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaaliyada Itoobiya Axmed Shide oo ka soo kicitimay magaalada Addis ababa.

Wasiirka ayaa waxa garoonka dayuuradaha magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay Xubno wasiiro ah oo ka tirsan Somaliland, iyadoo wafdigan uu maanta kulan kula yeelan doono Qasriga madaxtooyada Somaliland Madaxweyne Biixi, isagoo u gudbin doona dhambaal uu ka sido RW Abiy Ahmed.

Ujeedka Safarka Wasiirka ayaa la sheegay iney tahay sidii loo dar-dar gelin lahaa xiriirka labada dhinac, iyo weliba arrimo la xiriira wadahadalada Somalia iyo Somaliland.

Booqashada Wafdigan ayaa ku soo aadeysa xili uu shalay Madaxweynaha Somaliland uu si qayaxan uga horyimid safarka uu Madaxweyne Farmaajo ku imanayo magaalada Hargeysa, qorshahaasoouu gadaal ka riixayey RW Itoobiya.

LA SOCO WIXII KU SOO KORDHA..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nidaamkii doorashada Donald Trump oo la jabsaday

Caydiid Ali

Dib u dhac ku yimid shirkii la filayay in uu ka furmo Garawe iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Abdullahi Al Nuaimi (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---