Qoys Iiraani ah oo lacag badan ka dhacay Muwaadin Somali oo daaweyn u joogay Hindiya

Boliska dalka Hindiya waxay gacanta ku dhigeen 9 qof oo u dhashay dalka Iran, kuwaasi oo dhac baahsan u geystay Muwaadin Somali oo 61-jir ah, kaasi oo Adeeg Caafimaad u tegay Isbitaal ku yaalla magaalladda Jennay ee caasimad-gobaleedka Gobalka Tamiil Nadu ee Bariga dalkasi.
 
Boliska waxay sheegeen in 3 ka mid ah Burcadaasi ay bishan July 13-dii oo ku beegan Talaadadii hore ay dhac u geysteen Muwadin Somali oo lagu magacaabo Cali Maxamed Cali oo ah Maamule Dugsi Gaar loo leeyahay
.
Burcadda oo Gaari watay waxay isku hor-gudbeen gaariga uu Muwaadinka Soomaalida la socday, oo xilligaasi ka soo laabtay Isbitaalka, iyadoo uu la socday Nin u dhashay Deegaanka oo lagu magacaabo Cabdul.
 
Burcadda waxay Muwaadinka Soomaalida xoog kaga qaateen Boorsada Jeebka ee Lacagta la gashto, kana dhacay 3,800 oo Dollar.
 
Dhibanaha Soomaaliga waxa uu Saldhigga Boliska u gudbiyey Cabashadiisa , iyadoo ay Ciiddanka Boliska bilaabeen baritaano ballaaran oo lagu baadigoobayo Burcaddii dhacday Muwaadinka Soomaalida.
 
Saraakiisha Boliska waxay dib-u-eegeen Kaamirooyinka Qarsoon ee CCTV ee ku rakibnaa Wadaddii lagu dhacay Muwaadinka Soomaalida, iyadoo Koox Khaas ah oo ka tirsan Boliska oo uu horkacayey Kaaliyaha Taliyaha Boliska Deegaanka Nungambakkam oo lagu magacaabo Rafi Abiraam ku guuleysteen inay Burcadda ka soo qabtaan Hoy la socdo ama Looj ku yaalla Deegaanka Kovalam.
 
Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in 6 ka mid ah Burcadda u dhalatay Iiraan ee dhacday Muwaadinka Soomaalida, kuwaasi oo haatan ay Boliska su’aalo weydiinayaan.
Sidoo kale, Boliska waxay soo xireen 3 haween oo la joogay, kuwaasi oo qeyb ka ah Qoyskaasi ku caanka baxay dhaca.
 
Boliska waxay shaaciyeen magacyada Kooban ee Eedeysanayaashii la qabtay, kuwaasi oo kala ah: Shabir oo 35-jir ah, Rustom Zaidi oo 28-jir ah, Shiavaz oo 26-jir ah, Begru Shah oo 35-jir ah, Burush Alifana oo 56-jir Binyamin oo 19 jir ah, Nashmin oo 36-jir ah, Afsana iyo Fathima oo labaduba 39-jir ah.
 
Boliska waxay kaloo Burcaddaasi gurigooda ka soo heleen 2 gaari, 13 Mobayl, Lacagta Iiraan iyo kuwa Hindiya iyo alaabo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -