Allbanaadir.com
NEWS

Jidka Maka Al-Mukarama oo muddo la xiray & gaari qarax looga shakiyey oo.. (Sawirro)

Wadada Maka Al-Mukarama oo ka mid ah jidadka ugu mashquulka badan Muqdisho ayaa goor dhow oo caawa ah la xiray muddo kooban ka dib shil shaki badan dhaliyey oo ka dhacay.

Shilkan ayaa yimid ka dib markii gaari nooca raaxada ah uu ku dhacay gaari kale oo ay wateen ciidamada Booliska DF oo marayey isgoyska mashquulka badan ee Dabka.

Darawalka watay gaariga nooca raaxada ah ayaa markii uu ku dhacay gaariga Booliska  si halhaleel ah uga  degay gaariga ka dibna baxsaday taasoo loo fasirtay in gaariga uu ka cararay ay saaran yihiin waxyaabaha qarxa.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay wadada ka xireen afarta dhinac, iyagoo ka cabsi qabay in gaarigan uu halkaas ku qarxo, hase ahaatee baaritaan ka dib ciidamada ayaa xaqiijiyey in gaarigaas uusan sidin qarax, waxaana la ogaaday in darawalka cararay uu ka baqay in dhibaato loo geysto, maadaama uu ku dhacay gaari ciidan.

Isgoyska Dabka ee wadada Maka Al Mukarama oo muddo kooban khal khal iyo kala carar xooggan uu ka jiray ayaa markii dambe dib loo furay, iyadoo xaaladu ay caadi ku soo laabatay.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili magaalada Muqdisho ay ka jirto maalmahan cabsi xoogan ka dib markii todobaadyadii la soo dhaafay ay kordheen qaraxyada ka dhaca magaalada oo qaarkood dad badan dilay, kuwo kalena  dhaawacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Halis todobaadka soo socda ku wajahan Britain iyo dowlada oo digniin bixisay

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo kulamo la yeeshay hoggaanka Libiya iyo Malaysia

Cabdi Cade

Jilaa caan ah oo la weeraray dhaawacyo culusna la gaarsiiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---