Baabuur waxyaabaha qarxa lagu soo xiray oo ku qarxay meel ku dhaw Beerta Nabada ee degmada Waabari !!

Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa lagu soo xiray oo ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Beerta Nabada ee degmada Waabari.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa oo jugtiisa si xoogan loo maqlay ayaa ka dhacay agagaarka Ex Hotelka Muna oo ku dhaw beerta Nabada, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo la ogeyn cida rideysay.

Wali si rasmi ah looma oga goobta qaraxan goordhaw dhacay lagu bartilmaameedsaday, waxaana aaga qaraxa uu ka dhacay soo buux dhaafiyay ciidamada amaanka kuwaa oo xiray wadooyinka soo gala halka uu qaraxu ka dhacay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sidoo kale waxa aku dhaw Hotelka SYL oo marar badan qaraxyo xoogan lagu weeraray, mana jiro wali wax war ah oo qaraxan ku aadan oo kasoo baxa laamaha amaanka.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -