Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray kuna diiday xil ka qaadistii Ra’isul Wasaare Rooble ku sameeyay Fahad Yaasiin ayaa mar kale banaanka keentay khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble.
Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo ayuu sidoo kale ugu hiiliyay Saaxiibkiis Fahad Yaasiin oo horey loogu tilmaamay in uu yahay milkiilaha dowlada iyo ninkii sababta u ahaa in Farmaajo dalkan Madaxweyne ka noqdo.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Farmaajo cadeestay arrin horey loo wada ogaa oo aheyd in saaxiibkiis Fahad uu kala waynyahay xuquuqda muwaadinka, dastuurka iyo danta qaranka.
”Farmaajo maanta wuxuu caddeystay arrin la wada ogaa oo ah in saaxiibkiis Fahad uu kala waynyahay xuquuqda muwaadinka, dastuurka iyo danta qaranka. Marna sooma qaadin gabadhii la afduubay ee la dilay balse wuxuu Raysalwasaaraha kula dooday maxay kaga duwan tahay dadka maalin walba dhimanaya?” ayuu yiri Mr Warsame.
Siyaasigan ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo suurto gal tahay in Fahad Yaasiin la ogaa kiiska lagu dilay Ikraan Tahliil uusan Madaxweynaha marna ka hadlin wax ku saabsan kiiskaasi.
Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaana sheegay in labada Go’aan ee kasoo kala baxay Madaxweyne Farmaajo iyo Rooble ay kala yihiin labo go’aan oo midna cadaalada loogu hiiliyay midna Cadaalad darada garab lagu siiyay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com