Qodob kamid ah Heshiis hoose ay wadagaareen Isra’il iyo Sudan oo Hirgalay 

Dowlada Sudan ayaa heshiis hoose la gaartay maamulka Isra’il kadib booqasho uu Isra’il ku tagay Hogaamiyaha dalka Sudan , waxaana heshiiska labada dhinac wada gaareen uu yahay mid aan faah faahin badan laga bixin.

Heshiiska Sudan iyo Isra’il gaareen waxaa ku jiray qodob dhigayay in diyaaradaha rakaabka ee Isra’il loo ogolaado in ay dul maraan hawada dalka Sudan, qodobkaasi ayaana u muuqda mid durba ay hirgalisay dowlada Sudan.

Ra’iisul wasaaraha Isra’il, Benjamin Netanyahu, ayaa kulan uu la qaatay hogaamiyeyaal Yuhuud ah ka sheegay in diyaaraddii ugu horreysay ay Israa’iil leedahay Sabtidii ay martay hawada Suudaan taas oo ku wajahneyd koonfurta Amerika.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in heshiiskan faa’iido badan ugu jiro dadka Isra’il, waxa uuna tilmaamay in diyaaradahooda sadex saac kahor ay tagi karaan wadamada ay ku wajahan yihiin kadib markii loo ogolaaday hawada dalka Sudan.

Dalka Suda iyo wadamo kale oo Islaam ah ayaa hawadooda in ay dulmaraan hotey uga  mamnuucay diyaaradaha Isra’il, waxaa sidoo kale Sudan kamid aheyd wadamada aan xiriirka la laheyn maamulka Isra’il.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -