Allbanaadir.com
NEWS

Laftagareen oo la kulmay Taliyaha ciidanka UK u qaabilsan Koonfur Galbeed (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay taliyaha ciidanka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Koonfur Galbeed Captain Alex iyo Saraakiil ciidan oo la socday.

Qaabilaada Madaxweyne Laftagareen oo ay ka qeybgaleen taliye ku xigeenka ciidanka xoogga Dalka Sareeye guuto Madeey Nuurkey Shekh iyo taliyaha Qeybta 60-aad ciidanka xoogga dalka Generaal Xasan Isaaq Cumar

Madaxweynaha iyo Saraakiisha ayaa kulankooda kaga wada hadleen xoojinta amniga deeganada Koonfur Galbeed, kordhinta taageerida dowladda UK ee tababarida iyo qalabaynta ciidamada qalabka sida iyo wadaagida xogaha ku saabsan ka hortagida dhagarta cadowga Al Shabaab umaleegayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Milatariga dowladda Ingiriiska ayaa xero ciidan ku leh magaalada Baydhabo ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed, waxa ayna halkaasi tababaro ku siiyaan ciidamada kamid noqonaya maamulka Laftagareen hoggaamiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Lacagta la siinayo qoysaska dadkii ku dhintay shilalkii Boeing 737 Max oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Wadooyin hor leh oo kuyaala Muqdisho oo biro cusub lagu xiray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Gabar 18-sano jir ah ka careesiisay Shacabka iyo dowlada Iiran oo la xiray (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---