Allbanaadir.com
NEWS

Shan Musharax oo maanta isku diiwaan geliyey doorashada gudoonka golaha shacabka (Daawo Sawirro)

Shan musharax oo u taagan qabashada kuriga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayay maanta diiwaan geliyeen Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo gelinkii dambe ee maanta la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in is diiwaan gelinta musharixiinta ay si wanaagsan ku bilaabatay.

Musharaxixiinta maanta shahadooyinka la guddoonsiiyay waxay kala yihiin:-

1-Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow

2-Xildhiban Sheekh Cali Sheekh Maxamed

3-Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)

4-Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

5-Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Beyle ayaa ku wargeliyay Xildhibaanada musharaxiinta ah ee aan weli is diiwaan gelin inay heystaan oo keliya maalinta ah beri ah.

Shanta xubnood ee maanta loo diiwaan geliyey tartanka doorashada gudoomiyaha golaha shacabka ayaa waxaa ku jira labo xubnood oo ka tirsanaa golaha wasiirada Somalia balse iska casilay ka dib markii guddiga doorashady ay sheegeen in qof xil wasiir haya uusan u tartameynin doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog ku aadan tirada Xasan Sheekh uu ka bad baaday weeraro toos ah intii Farmaajo xilka hayay

Cabdi Cade

Lix Bilood kadib Is Casilaadii Ra’isul Wasaare Kheyre maxaa is bedelay ?

Cabdi Cade

António Guterres oo si weyn uga argagaxay weerar shalay ka dhacay Gaza

Cabdi Cade
Taboola Ads ---