Allbanaadir.com
NEWS

Kulanka Baarlamaanka oo furmay iyo ajande xasaasi ah oo laga doodayo (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw xarunta villa Hargeysa ee ay ku shiraan xildhibaanada golaha shacabka ka furmay kulanka ay leeyihiin Xildhibaanada golaha Shacabka , kulankan ayaana looga doodayaa ajandaha matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka sare.

Gudomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaana kulanka shir gudoominaya, waxaana kulanka soo xaadiray in ka badan 170-Xildhibaan oo katirsan Xildhibaanada golaha shacabka.

Xildhibaanada ayaana sii wadaya ka doodista ajandaha matalaada gobolka Banaadir ee aqalka sare, waxaana dooda kadib la filayaa in Xillhibaanada cod u qaadaan mooshinka lagu dalbanayay in Xildhibaanada aqalka sare laga dhigo 13-kursi.

Kulanka Golaha shacabka ayaa saacado badan hakad galay kadib markii uu ismari waa ka dhashay ajandaha kulanka oo gudoonka Baarlamaanka damcay in ay ka saaraan mooshinka Xildhibaanada ku dalbanayeen matalaada gobolka Banaadir ee aqalka sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muwaadiniin Mareykan ah oo lagu dilay weerarka Xamaas iyo qaar lala’ yahay

Caydiid Ali

Howlihii ka socday xarunta Xalane oo hakad la galiyay iyo AMISOM oo ka hadashay

Cabdi Cade

Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Annette Weber (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---