Allbanaadir.com
NEWS

Dil toorey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Hargeysa iyo Booliska Somaliland oo..

Taliska Booliska Somaliland ayaa ka hadlay dil Xaafada Siinay oo ka mid ah Magaalada hargeysa loogu geystay nin shacab ah.

Dilkan oo loo adeegsaday toorey ayaa waxaa geystay nin ka mid ah dadka xamaalatada ah ee ku dhaqan Hargeysa uu nin kale tooreyda la dhacay sidaasna uu ku geeriyooday.

Labada nin ayaa waxaa ka dhex jiray muran markii dambe sababay gacan ka hadal.

Afhayeenka Booliska Somaliland Feysal Xiis ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen Booliska muddo 30 daqiiqo gudahood ah ku soo qabteen ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa ee geystay dilka.

Waxaa uu sheegay iney xabsiga dhigeen ayna socdaan baaritaano ku aadan dilkan, isagoo intaa ku daray in marka baaritaanku dhamaado la horgeyn doona Cadaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo u safray dal aan xiriir wanaagsan xiligan la laheyn Dowlada Soomaaliya 

Cabdi Cade

Markab marayey Badda cas hub culus lagu weeraray

Caydiid Ali

Cabdi Bille oo maanta kasoo dhax muuqday Orodkii lagu qabtay Muqdisho (Daawo Muuqaal)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---