Kalluumeysato ku dhimatay xeebaha Muqdisho iyo qaar nolol & geeri lagu la’ yahay

Ugu yaraan lix ka mid ah kalluumeysatada doonyaha yar yar ku jillaabta ee xeebaha magaalada Muqdisho ayaa ku dhintay, kuwo kalena waa la la’ayahay, ka dib markii dabeylo xoogan ay ku dhufteen.

Dabeylahan oo maalmihii la soo dhaafay si weyn looga dareemayey magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayay kalluumeysatadu sheegeen iney yihiin kuwo aan xiligan oo kale looga baran xeebaha, ayna ku noqotay lama filaan.

“Waxaa meydadkooda badweynta laga soo helay illaa lix kalluumeysato oo dabeyluhu ay la qalibeen doonyihii ay wateen, waxaana la weysan yahay lix kale oo illaa hadda nolol iyo geeri aan midna lagu heynin” ayuu yiri mid ka mid ah kalluumeysatada degmada Xamar weyne.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in doonyo fara badan aay ku burbureen dabeylaha xoogan ee ka dhacaya xeebaha magaalada Muqdisho, kuwaasoo kalluumeeysadii la socotay ay kaga soo badbaadeen dabaal naftooda halis gelisay.

Arrintan ayaa sidoo kale sare u kac xoogan ku keentay qiimaha la iibiyo kallluunka ka dib markii ay yaraadeen kalluumeysatadii badda ka soo jilaaban jiray qatarta dabeylaha awgood.

Dabeylaha xiligan ka jira magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale hawada magaalada ka dhigay mid wasaqeysan, waxaana labadaii maalmood ee la soo dhaafay si weyn looga hadal hayey xaafadaha, iyadoo dadku isweydiinayeen dabeylahan iyo sababaha xiligan keenay oo dadka intooda badan ay isku raaceen iney  tahay qadar ALLE.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -