Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Muxuu Cali Guudlaawe kala hadlay Xildhibaannadii lagu doortay Jowhar?

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta casuumaad qado sharaf ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee shalay lagu doortay Magaalada Jowhar.

Cali Guudlaawe ayaa ugu horeyn u hambalyeeyey Xildhibaanada cusub ee la doortay, isagoo kula dardaarmay ka shaqeynta midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Inkastoo Cali Guudlaawe lagu amaanay qaabkii uu qabtay doorashadii xubnaha aqalka sare ee Hirshabelle haddana doorashada lixda xildhibaan ee shalay ka dhacday Jowhar waxaa lagu tilmaamay mid boob aheyd oo sumcadiisa hoos u dhigtay.

Xubno kale oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda lagu doorto magaalada Jowhar, kuwaasoo la filayo ineysan u dhicin qaab furan oo cadaalad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Q/Midoobay oo Israel ku eedeysay iney si cad u gashay dambiyo dagaal

Caydiid Ali

Xildhibaano isku dhaarsaday in ay bad baadiyaan Gudoomiye Jawaari

Cabdi Cade

Guddiga rasmiga ah ee Af Soomaaliga oo la magcaabay (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---