Maraykanka oo duqeyn ku laayey qoyska weriye ka tirsan Warbaahinta DF

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inay baarayaan sida ay u dhacday duqeyn 2-bii bishan laga fuliyey duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe taasoo horey loo sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay xubno ka tirsan qoys Soomaaliyeed oo ku sugnaa gurigooda oo ku yaalla degmada Jilib.

Maxamed Cismaan Cabdi oo ah Tafaftiraha qeybta Ingiriiska ee Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in qoyskaasi duqeynta lala beegsaday uu ku jirey aabihii iyo xubno kale oo qoyskiisa ka mid ahaa, kuwaasoo ku dhintay duqeynta.

Maraykanka ayaa horey u sheegay in duqeyntan lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana duqeymaha maraykanka mararka qaarkood ku naf waaya dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -