Golaha Nabadda & Ammaanka Midowga Afrika oo digniin culus u diray Al-shabaab

WAR-SAXAAFADEED

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) oo kulankoodii 1081-aad ee qabsoomay 4-tii May 2022-ka, ayaa waxaa looga hadlay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen Saldhigga Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goluhu wuxuu dhegeystay khudbadaha furitaanka ee Wakiilka Joogtada ah ee Jamhuuriyadda Cameroon u fadhiya Midowga Afrika, ahna Guddoomiyaha Golaha ee bisha May 2022, Danjire Churchill Ewumbue-Monono iyo ergayga joogtada ah ee Burundi u fadhiya Midowga Afrika, Danjire Willy Nyamitwe kuwaasoo warbixin kooban siiyey golaha.

Goluhu wuxuu si kulul u cambaareeyey weerarkii waxashnimada iyo fulaynimada ahaa ee ciidamada Burundi ee ATMIS, qaybta 5-aad, ay ku qaadeen kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab, waxayna uga digeen kooxda argagixisada ah in weerarkani aanu hoos u dhigi doonin dadaalka iyo hawlgallada ATMIS.

Goluhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in Midowga Afrika uu weli go’aansan yahay in uu la shaqeeyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya si meesha looga saaro khatarta Al-Shabaab iyo in la sii wado horumarinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Goluhu wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray dowladda iyo shacabka Burundi, gaar ahaan qoysaskii ay ka geeriyoodeen ciidamadii ku dhintay weerarka, waxayna u rajeeyeen caafimaad degdeg ah dhammaan kuwa ku dhaawacmay.

Goluhu waxa uu ammaanay ciidammada Difaaca Qaranka Burundi ee u huray naf-hurnimada ugu sarreysa gudashada waajibaadkooda iyo nabadda Soomaaliya, gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Goluhu waxa uu sidoo kale amaan u soo jeediyay dhamaan wadamada ciidamada iyo booliska ka jooga ee ka howlgala ATMIS-ka iyo gaar ahaan, dhamaan ragga iyo dumarka ka hoos shaqeeya ATMIS, waxa uuna ku bogaadiyay sida ay uga go’an tahay gudashada waajibaadkooda, waxa uuna ku dhiirigaliyay in ay adkeystaan ​​inta Al-Shabaab laga saarayo guud ahaan Somalia

Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo guulaha ilaa hadda laga diiwaan geliyay Soomaaliya, iyo sidoo kale dardargelinta dagaalka lagula jiro Al Shabaab iyadoo kor loo qaadayo awoodda ATMIS.

 

- Advertisement -