Lix Bilood kadib Is Casilaadii Ra’isul Wasaare Kheyre maxaa is bedelay ?

Lix bilood oo kaamil ah ayaa kasoo wareegatay tan iyo markii uu Xasan Cali Khayre iska casilay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya 25-kii Luulyo ee sanadkii 2020-kii. Khayre wuxuu haatan kamid musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ee doorashooyinka soo aadan.

Hadal-jeedintiisa shaqo ka tagista ayuu ku sheegay in aysan sharci ahayn talaabo uu Golaha Shacabka ku sheegay in uu xilka kaga qaadey kadib mooshin aan habraac soo marin oo Aqalka Hoose la horgeeyay.

Mr Khayre ayaa carabka ku adkeeyay in talaabadaas ay daba ka riixayaan mas’uuliyiin uu ku jiro feker muddo kororsi ah taas oo uu tibaaxay in ay keeni karto xasilooni darro iyo khal khal dhanka amniga iyo siyaasadda ah, wuxuuna ku taliyey in la qabto doorashooyin loo dhanyahay.

Lix bil kadib intee wax marayaan?

Dhamaan arrimihii uu ka digay Ra’iisul Wasaarihii 19aad ee Soomaaliya ayaa u muuqanaya kuwa dalka ka dhacay lix bilood kadib markii uu baneeyay xafiiska labaad ee ugu awooda badan waddanka.

Amniga dalka ayaa u muuqanaya mid faraha kasii baxaya. Al-Shabaab waxay caasimadda Muqdisho iyo qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ay ka fulisay weeraro ay ku laysay mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan. Kaliya bishaan Janaayo, 2021, waxaa dalka dhacay in ka badan 30 fal dambiyeed.

Dhanka siyaasadda waxaa ka jira jahwareer badan iyo hubanti la’aan baahsan. Mashquulka badan ee siyaasadda oo saraakiisha ammaanka ku milmeen waxay dhabaha u xaartay in Al-Shabaab ay uga faa’iideysato in ay ku abaabushay weeraro ay ku beegsato mas’uuliyiinta iyo shacabka.

Doorashooyinka oo muhiim u ah xasiloonida siyaasadda iyo ammaanka waxaa ka jira saluug badan. In ka yar, 13 maalmood oo muddo xileedka dastuuriga ah ee dowladda ka harsan wali ma cadda qaabka, habraaca iyo masiirka coddeynta, waxaana jirta cabsi ku aadan in uu dhaco firaaq dastuuri ah.

 

- Advertisement -