Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal culus oo caawa ka dhacay degaanka Ceelasha biyaha & faahfaahino ka soo baxaya

Dagaal iyo duqeymo culus ayaa waxay ka dhaceen caawa degaanka ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ku sugan degaanka ceelasha ayaa sheegaya in dagaalku uu ka dhacay meel lagu magacaabo Arbacow markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay halkaas ku leeyihiin ciidamada AMISOM.

Daryanka madaafiic xoogan ayaa caawa laga maqlayey degaankaas kuwaasoo ay ridayeen ciidamada AMISOM oo duqeynayey degaano howd ah oo ay ka soo baxeen kooxihii soo weeraray, waxaana jiray dagaal toos oo ah labada dhinac dhexmaray.

Shacabka ku nool degaanka ceelasha biyaha ayaa sheegay iney cabsi xoogan dareemayaan, ayna ku xiran yihiin guryahooda.

Xaalada degaanka ayaa kacsan lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo ahaa kii ugu cuslaa ee mudooyinkan ka dhaca degaanadaas, mana jiraan warar ay dagaalkaas ka soo saareen dhinacyada uu u dhexeeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Ciidamo katirsan Daraawiishta Galmudug oo Dhoolo tus Cajiib ah soo bandhigay

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur: “DF waxay Booliska Malaysia ku wargelisay inaan ahay dembiile”

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo qaabilay Maxamed al-Sacii iyo xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---