Ciidamada dowlada federaalka oo ku wajahan Degmada Ceel Waaq iyo Masuul ka hadlay

Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku tagayaan degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo halkaas ay horey u joogeen ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland.

Gudoomiye kuxigeenka Degmada Ceel Waaq Sahal Macalin Aadan ayaa Warbaahinta u sheegay in maanta degmadooda kusoo wajahan yihiin ciidamo ka amar qaata dowlada federaalka oo isugu jira booliis iyo milatari.

Waxa uu sheegay Sahal Macalin in ciidankan kusoo wajahan degmada Ceel Waaq ee kutaala xadka Kenya ay qeyb ka noqonayaan sugida amaanka degmooyinka gobolka Gedo ka wadeen ciidamada dowlada federaalka.

Gudoomiye kuxigeenka degmada Ceel Waaq ayaa ugu baaqay saraakiisha hogaamineysa ciidanka dowlada federaalka in aysan hilmaamin ciidankii hore ugu sugnaa degmadaasi uu sheegay in xaalad adag kusoo shaqeeyeen .

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe ciidamo badan geysay degmooyin katirsan gobolka Gedo ay horey u joogeen ciidamada Jubbaland, waxa ayna dowlada awoodeeda kusii fidineysaa guud ahaan gobolka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -