Haweeney hadal Maseyr ka keenay ku muteesatay xabsi iyo Ganaax lacageed !!

Haweeney u dhalatay dalka Britain oo lagu magacaabo Laleh Shahravesh ayaa wajaheysa xukun xabsi ah iyo ganaax lacageed , kadib markii ay Faras ku tilmaantay xaas uu guursaday nin ay horey u kala tageen una dhashay gabar.

Laleh Shahravesh oo 55-sano jir ah ayaa sanadkii 2016-kii sawirada ninkeedii hore oo xaas kale guursanaya soo dhigtay Facebook waxa ay ku qortay” waxaan kuu rajaynayaa in aad dhulka ka hoos marto, doqonkiiyoow” ma faraskan ayaad  iiga tagtay”.

Haweeneydan u dhalatay dalka Britain waxaa dacwad ka gudbisay xaaska ninkeedii hore, waxa ayna ku dacweesay qoraalka ay Facebooka oo dhigtay ay ku tilmaantay Faras taas oo caro badan ku abuuray.

Laleh Shahravesh ayaa hadalkan ay ugu gaftay xaaska uu guursaday ninkeedii horey Facebook ku daabacday iyada oo joogta magaalada London, hasa ahaatee waxaa laga dacweeyay Maxkamad kutaala dalka Imaaraadka Carabta.

Haweeneydan ayaa lagu xiray garoonka Diyaarada ee Dubai iyada oo halkaasi u tagtay in ay ka qeyb gasho tacsida ninkeedii hore ay is qabeen 18-sano oo dhawaan wadno xanuun ugu geeriyooday Imaaraadka uu kunoolaa.

Laleh Shahravesh ayaa cayda ka keenay maseerka ku muteesan karta  labo sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya £50,000,  waxaana dalka Imaaraadka xabsi iyo ganaax lagu muteesan karaa ereyada gafka ah ee baraha bulshada lasoo dhigo.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay gacan siineyso haweeneydan ku xiran dalka Imaaraadka Carabta kana shaqeeneyso sidii ay cadaalad u heli laheyd.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -