Macalinkii Xulka Qaranka Soomaaliya oo hal arin darteed shaqada Macalinimo uga tagay 

Macalinka xulka kubada cagta ee Qaranka Soomaaliya Bashir Hayford ayaa shaaca ka qaaday in uu isaga tagay shaqada macalinimo ee xulka Soomaaliya ,kadib 11-bilood uu macalin u ahaa Xulka Soomaaliya.

Bashir Hayford, ayaa sheegay in sababo amaan daro owgeed uga tagay shaqadii macalinimo, waxa uuna xusay in meel wanaagsan gaarsiiyay xulka Soomaaliya mudadadii uu macalinka u ahaa.

Macalinkan u dhashay dalka Gana ayaa shaqada Qaranka Soomaaliya qabtay sanadkii hore ee 2019-kii, waxaana macalinkan intii uu xulka Soomaaliya leelinayay laga dareemay isbadal weyn .

Xulka Soomaaliya ayaa guul ka gaartay xulka Zimbabwe lugtii hore ciyaar isreeb reebka koobka aduunka iyadoona lugtii dambe si dirqi ah lagu reebay, waxa sidoo kale Soomaaliya guulo muhiim ah ka gaartay tartnkii dhawaan lagu qabtay dalka Uganda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -