Ra’isul Wasaare Xamse oo xaliyay Tabashooyin ay qabeen madax katirsan Galmudug iyo Jubbaland

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xaliyay tabashooyin ay ka qabeen magacaabista golaha wasiirada madaxweyne kuxigeenada maamulada Jubbaland iyo Galmudug.

Labada Madaxweyne kuxigeen ee Jubbaland iyo Galmudug Maxamuud Sayid Aadan iyo Cali Ciid ayaa kahor yimid magacaabista golaha wasiirada gaar ahaan qoondada wasiiradda uga soo aaday beesha ay kasoo jeedaan ee Mareexaan.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo xiriiro la sameeyay labada madaxweyne kuxigeen ayaa la sheegay in uu ka qanciyay tabashooyinkii ay ka qabeen dhismaha xukuumadiisa cusub.

Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid ayaa sheegay in heshiis laga gaaray tabashadii ay qabeen isaga iyo Cali Ciid , mana bixin faahfaahino dheeraad ah oo ku aadan sida loo xaliyay.

“Tabashadii aan ka qabnay dhismaha xukuumadda cusub ee Soomaaliya waan ka heshiinay Raysal wasaare Xamae Barre, haddii aan Jubbaland iyo Galmudug nahay.” ayuu yiri Seyd Aadan.

Qoraal dhawwaan si wadajir ah usoo saareen madaxda maamulada Galmudug iyo Jubbaland ayey ku qaadaceen magacaabista golaha wasiirada , waxa ayna si weyn u saluugeen qoondada beeshooda uga soo aaday xukuumadda cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -