Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo la kulmay Agaasimayaasha Wasaaradaha Galmudug (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobolleedka Galmudug Ali Dahir Eid ayaa magaalada Dhuuomareeb kulan kula qaatay Agaasimayaasha Guud ee Wasarradaha Dowlad Gobolleedka Galmudug.

Kulanka ayaa looga wada hadlay dardar galinta howlaha Wasaaradaha iyo in Agaasimeyaasha ay isbuuc walba yeeshan kulan gaar ah oo la  isaga waraysanayo hormarada la sameyay iyo caqabadaha jira.

Sido kale waxaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo agasimeyaasha ayaa isla qaatay in galmudug ay qaadato tubaha Qaranka ee 4ta ah kuna shaqayso Qorshaha hormarinta Qaranka iyo tubaha qaranka oo wada jira

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobolleedka Galmudug Ali Dahir Eid ayaa uga mahad celiyay Agaaimayaaha shaqooyinkii ay soo qabteen, waxa uuna faray in ay sii dar dargaliyaan shaqooyinka Wasaaradaha oo habsaan ku yimid bilihii lasoo dhaafay.

Madaxda sare ee maamulka Galmudug ayaa magaalada Dhuusomareeb kawada kulamo kala duwan oo lagu dar dar galinayo howlaha  horyaala maamulka Galmudug ee dhawaan hogaankeeda cusub lagu doortay Dhuusomareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -