Boqor William oo warqadaha aqonsiga ka gudoomay danjiraha cusub ee Somalia (Akhriso)

Boqorka waddanka Netherland William Alexander ayaa qasrigiisa Magaalada De Heeg ku qaabilay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub & waddamada la isku yiraa Benelux Yoonis Yaasiin Xaashi [Ooga-cadde].

Danjire Yoonis ayaa isaga oo saaran fardo loo galbiyay aqalka boqortooyada, waxaanna afaafka hore ee laga galo aqalkaasi salaan sharaf ku siiyay cutubyo ka tirsan ciidamada bambeyda, halkaas oo lagu garaacay muusikada astaanta u ah Qaranka Soomaaliya.

Munaasabadan oo aheyd mid si qurux badan loo soo agaasimay markii ay soo idlaatay, ayuu  safiirku kula hadlay saxaafadda hoteelkii uu daganaa, isaga oo sheegay in si heer sare ah loogu soo dhoweeyey qasriga, ayna muddo 25 daqiiqo ah isla qaateen Boqorka William.

“Soomaaliya maanta maalin weyn ayeey u aheyd. Danjirihii ay soo dirsatay oo aniga ah waxaan maanta si rasmi ah ugu gudbiyay warqadihii aqoonsiga safiirnimo boqorka waddanka Netherland William Alexander” Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi ku daray inuu boqorka gaarsiiyay salaan uu kaga siday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo], isna uu ka soo qaaday salaan taas la mid ah oo ku socotay Madaxweyne Farmaajo.

“Wixii maanta ka dhacay fagaaraha boqortooyada De Heeg waxay marqaati ka tahay jihada toosan ee ay ku socoto dowladnimada Soomaaliya oo haatan soo kabaneysa” Ayuu yiri Danjire Yoonis.

Danjire Yoonis, waxaa uu xusay in boqorka  Netherland William Alexander inuu yahay boqor khibrad u leh taariikhda geeska Afrika, kana soo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya & Kenya  markii uu dhalinyarada ahaa.

“Markii aan uga mahadceliyay sida waddankan loogu soo dhoweeyay Soomaalida, arrimaha aan isla soo qaadnay waxaa ka mid ahaa; sida Soomaalidu kaga faa’iideysatay fursadihii ay waddankan ka heleen, arrimaha aan isla soo qaadnay waxaa ka mid ahaa Cabdi Nageeye oo ah orodyahan Soomaali ah oo ku guuleystay tartamo caalami ah iyo kuwa local ah, oo ugu dambeeyay tartankii bishan lagu qabtay Rotterdam” Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi raaciyay in dad badan oo Soomaali Hollandeys ah ay dalkoodii ku laabteen ayna qeyb ka yihiin geedi socodka dib looga dhisayo Dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna tusaale u soo qaatay Wasiirka arrimaha dibedda Cabdi Siciid.

- Advertisement -