QM oo War kulul ka soo saartay Weerarkii lagu qaaday xarrunta Baarlamanka Somalia

Qaramada Midoobay ayaa si kulul uga falcelisay weerarkii hoobiyayaasha ahaa ee maanta lagu qaaday xarunta Villa Hargeysa xili uu halkaas ka socday kalfadhi ay lahaayeen xubnaha labada aqal ee baarlamanka Somalia.

Ugu yaraan todobo qof oo isugu jira shaqaalaha Barlamaanka iyo askar ayaa ku dhaawacmay hoobiya ku soo dhacay barxadda dhismaha Barlamaanka, xilli ay socotay dooda baarlamaanka.

“Qaramada Midoobay waxa ay cambaareyneysaa weerarkii madaafiicda ahaa ee maanta lagu qaaday Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo dhacay xilli ay kulan lahaayeen xildhibaannada baarlamaanka. Waxa ay u rajaynaysaa soo kabasho degdeg ah intii ku dhaawacantay, waxayna ku garab taagan tahay Soomaalida dadaalka ay ugu jiraan dhammaystirka hannaanka doorashada iyo horumarka laga sameeyey arrimaha hortabinta u leh qaranka” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay soo saartay baarlamanka.

Xildhibaanada ayaa ansixiyay in la qabta doorashada hoggaanka labada aqal bishan April 26 iyo 27.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa isku raacay lacagaha isdiwaangelinta ee laga qaadayo musharaxa madaxweyne, midka gudoonka labada aqal iyo ku-xigeenadooda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xusseen Rooble ayaa cambaareeyay falkaas oo uu sheegay inuu mid la doonayey in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka iyo Geeddi socodka doorashada.

 

- Advertisement -