Xildhibaan goor dhow ku geeriyooday Muqdisho iyo Masuul ka hadlay

Waxaa goor dhow ku geeriyooday Magaalada Muqdisho Xildhibaan Abuukar Macalin Rashiid oo ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.

Afhayeenka Maamulka Hirshabeelle Daauud Xaaji Cirro ayaa warbaahinta u xaqiijiyey geerida xildhibaan Abuukar Macalin Rashiid isagoo tacsi u diray qoyska iyo ehelada uu ka baxay.

“Anigoo ah Afhayeenka Dowlada Hirshabeelle Daud Xaaji Cirro oo ku hadlaya Magaca Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka Golaha Wasiirada iyo Guud ahaan maamulka iyo Shacbiga Hirshabeelle waxaan tacsi u dirayaa Ehelada iyo Qaraabada uu ka baxay Allaha u Naxariistee Marxuum Xildhibaan Abuukar Macalin Rashiid oo sidoo kale ahaa Wasiiru dowlaha Wasaarada dhaqan celinta Maleeshiyaadka Hirshabelle” ayuu yiri afhayeenka.

Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu u geeriyooday Xanuun hayay, waxaana maalmihii ugu dambeeyey uu ku jiray Isbitaalka YARDIMELI ee magaalada Muqdisho oo ugu dambeyn uu ku xijaabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -