Miisaaniyadda sanadka 2018 ee dowladda Soomaaliya oo dood dheer ka dib la ansixiyey (Daawo Sawirro)

Xildhibaanada Baarlamanka Somalia ayaa kulan ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxay ku meelmariyeen Miisaaniyada dowladda ee sanadka  2018 ka dib dood adag oo ay ka yeesheen maalmihii la soo dhaafay

Guddoomiye Ku-xigeenka golaha shacabka C/wali Ibraahin Shiikh Muudeey ayaa gudoominayey kulankan oo ay soo xaadireen 164 Mudane, waxaana ogolaatay 162 ka mid ah ay ogolaadeen Miisaaniyadday, waxaa diiday hal xildhibaan uu diiday, halka mid kalena uu ka aamusay.

Guddoomiye  Ku-xigeenka Golaha Shacabka C/wali  Ibraahin Sheekh Muudeey ayaa ku dhawaaqay in Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 ay tahay Ansax oo ay meel-mariyeen Xildhibaanada.

Miisaaniyadda 2018 ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaareysa lacag dhan $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar), waxayna 14 milyan dheer tahay miisaaniyadii sanadkii hore oo gaareysay 260 milyan.

Wasiirka Maaliyada Somalia C/raxmaan Beyle oo kulankaas ka hadlay ayaa uga mahad celiyey xildhibaanada habka wanaagsan ee ay miisaaniyada u ansixiyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -