Al-Shabaab oo xukun gacan goyn ah ka fulisay degaan ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose

Fagaare ku yaalla degaanka Kuunya Barrow ee gobolka Sh/hoose waxaa shalay gelinkii dambe ka dhacay Xukun Gacan goyn ah oo lagu fuliyay nin lagu eedeeyey inuu fal xatooya ah ku kacay.

Maxkamadda Al-shabaab ee degaanka Kuun Barrow ayaa la soo taagay C/fitaax Cusmaan Axmed oo 19 jir ah kaasoo lagu eedeeyay inuu hanti kumanaan dollar gaareysa ka dhacay guryo ku yaalla degaanka.

Qaadiga Maxkamadda Islaamiga ayaa goobtii fagaarihii uu  xukunku ka dhacayay ka sheegay in Ninkan uu qirtay inuu dhacay hanti  isugu jirta lacag Kumanaan Dollar ah, dhar, Mobillo, Kumbiyuuterro iyo hanti kale.

“Ninkan tuugga ah ayaa jabsaday illaa 5 guri oo uu ka xaday hanti gaaraysa 5,000 Dollar (Shan Kun oo dollar), intaas ka dib ayay maxkamaddu ku xukuntay in hal gacan laga gooyo sidoo kale waxaa lagu xukumay inuu dib usoo celiyo hantidii uu xaday” ayuu yiri qaadiga Maxkamada Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa degaanada ay maamulaan ee ka tirsan koonfurta Somalia waxay ka fuliyaan xukuno isugu jira gacan goyn, rajmin ama dhagax dil iyo kuwo toogasho ah, kuwaasoo lagu fuliyo dad lagu soo eedeeyey iney galeen dembiyo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -