Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Kooxo hubeesan oon heebtooda la garan ayaa saakay xaafada Cali Shire ee Degmada Howl Wadaag waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ku shaqeesanayay Mooto Bajaaj.

Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeesan ayaa doonayay in ninkan dhalinyarada ah ka dhacaan mooto bajaaj uu watay, hasa ahaatee ninka dhalinyarada ayaa la sheegay in uu ka dhaga adeegay sidaasna lagu toogtay.

Ninka la dilay oo kamid ahaa dhalinyarada caanka ka ahaa Xaafada MBC ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan Abdi Cambuulo , waxaana baxsaday kooxihii hubeesnaa ee ka dambeeyay dilka wiilkaasi.

Ciidamo katirsan booliiska ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada amaanka ku guul dareesteen in ay gacanta kusoo dhigaan kooxihii hubeesnaa ee dilka geestay.

Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday dhac loo geesanayo mootooyinka bajaajta, waxaana mararka qaar dhacda in kooxaha burcada ah ay toogtaan dhalinyarada ka biyo diida in mootada laga dhaco.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -