Xaaf oo ka hadlay doorashada maanta lagu qabanayo Dhuusamareeb, kuna tilmaamay..

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ka hadlay doorashada maanta la filayo inay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb.

Xaaf oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in doorashadan ay tahay mid la soo dhoodhoobay oo aan waxba soo kordhineyn.

“Waa doorasho la mid ah mid horay Cadaado loogu qabtay ee lagu doortay Axmed Baasto” ayuu yiri Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Waxaa uu sheegay dowladda federaalka ay xaalada ka badbadisay, ayna dad laga soo qaaday Xamar ka dhigtay xildhibaano, iyadoo ay joogaan kuwii Galmudug ee degaanka ku sugnaa.

Xaaf ayaa dhowaan ka baxay dhamaan heshiisyadii uu la galay DF isagoo magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay maamul cusub oo Galmudug ah iyo gole baarlamaan oo doortay gudoon cusub iyo madaxweyne ku-xigeen.

Hadalkiisa ayaa ku soo aadaya xili maanta magaalada Dhuusamareeb ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Galmudug inkastoo ay qaadaceen musharaxiinta mucaaradka iyo ahlu sunna, uuna doorashada hareeyey khilaaf wejiyo badan leh oo DF ku jahwareertay sidii ay u xalin laheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -