Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dib u dhac mar kale ku yimid howlihii bixinta Baasaboorka Soomaaliga

Hayadda socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia ayaa mar kale dib u dhigtay howlihii bixinta baasaboorka Soomaaliga oo maalmahan hakad ku jiray.

Qoraal kooban uu hayaddu soo saartay ayey ku sheegtay in sababo farsamo awgood la kordhiyey mudada hakinta baasaboorka.

“Howlihii farsamo ee ka socdey habka bixinta Baasaboorka oo weli dhamaystirmin awgeed, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudadii hakinta lagu kordhiyey maalmo dheeri ah, waxayna howsha qabashada codsiyada baasaboorka dib u bilaaban doontaa maalinimada Khamiista ah, Taariikhduna tahey Febaraayo 06, 2020” ayaa lagu yiri qoraal heyaddu soo dhigtay baraha bulshada.

Hay’adda ayaa intaas ku dartay iney ka xuntahey dib u dhaca mar kale ku yimid bixinta baasaboorka, waxayna ka codsatay muwaadiniinta in ay dulqaataan mudada kooban ee howlaha farsamo lagu dhameystirayo.

Waa markii labaad ee hakad la geliyo bixinta baasaboorka, todobaadkii hore ayeyna aheyd markii heyaddu ku wargelisay in laga bilaabo 27ka bishii hore ee Jannaayo illaa 2-da Febaraayo oo maanta ku beegan la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirada Arimaha Dibadda Itoobiya iyo Eritrea oo soo gaaray Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasiirkii Xilka wareejiyey ee Maaliyadda Somalia oo War cusub soo saaray

Caydiid Ali

Goormaa dalka la keenaya Meydka Marxuum Cali Mahdi, halkeese lagu aasi doonaa?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---