Kulan looga arrinsanayo xaaladdaha guud ee Hirshabeelle oo ka dhacay Muqdisho

Kulankan wadatashiga ah oo looga arrinsaday xaaladda dhaqan-dhaqaale iyo Amni ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda Mudane Cabdi Cashur Xasan, Wabarka Guud ee Beesha Baadicade Wabar Maxamed Wabar Cabdi, Xidhibaanno, Wasiirro, Gudoomiyaha Degmada Buulo-barde, Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Jalalaqsi, Masuuliyiin iyo Aqoonyahano kale oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.

Kulankan Wada-tashiga ah ayaa waxaa la isku afgartay muhiimadda adkeynta nabadgelyada iyo isku-furka wadooyinka xiran oo si weyn wax uga bedeli kara xaaladda nololeed ee shacabka Gobolka, Sidoo kale kulanka ayaa waxa uu soo-jeediyey in in la dardar-geliyo dhab-u-heshiinta beelaha Gobolka iyo xoojinta midnimada.

Ugu dambeyntii ka soo qeybgalayaasha kulanka ayaa waxa ay isku raaceen joogteynta kulamada nuucan oo kale iyo xoojinta midnimada iyo isku-duubnida walaalaha gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -