Allbanaadir.com
NEWS

Muslimiinta kunool dalka Mareykanka oo farriin hanjabaad ah u diray Madaxweyne Biden

Muslimiinta kunool dalka Mareykanka ayaa si weyn uga carreysan garab istaaga dowladda Madaxweyne Joe Biden u sameysay ciidamada Israil, oo xasuuq ba’an ka geesanaya magaalada go’doonsan ee Gaza.

Golaha muslimiinta ee dalka Mareykanka ayaa markan doonaya in cadaadis xooggan saaraan madaxweyne Biden, si uu wax uga qabto xaalada kasii dareysa ee ka taagan magaalada Gaza ee duqeymaha bahalnimada ah ku socdaan.

Kulamo kala duwan oo ay yeesheen golaha Muslimiinta dalka Mareykanka ayey uga dalbadeen madaxweyne Joe Biden in uu wax ka qabto xaalada adag ee ka taagan Gaza iyo duqeymaha Isreal ku garaaceyso magaaladaasi.

Muslimiinta dalka Mareykanka ayaana madaxweyne Joe Biden si cad ugu sheegay haddii uusan dhageysan codsigooda kana fureysto dhagaha dalabkooda in aysan codkooda siin doonin doorashada soo socota.

Dowladda Mareykanka ayaa Isreal ku taageertay duullaanka ay ku qaadeen magaalada Gaza, waxa ayna Mareykanka Isreal ku taageereen qaar kamid ah gantaalada lagu garaacayo magaalada Gaza iyo hub kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dalkii Labaad oo Dunida kuyaala oo Qudus u aqoonsaday Caasimada Israa’iil

admin

Isbedalka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo waxyaabaha dahsoon ee ku xeeran !

Cabdi Cade

Dekad weyn oo kutaalla Soomaaliya oo dib looghu dhisayo lacag dhan $366 milyan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---