Wafdi balaaran oo soo gaaray Muqdisho & Masuuliyiin sare oo soo dhoweeyay (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha shacabka BFS, Wasiiro, Xildhibaano katirsan DFS, odayaal dhaqmeed iyo siyaasiyiin ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde si weyn ugu soo dhaweeyay Isimada Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida.

Isimada la soo dhaweeyay ayaa mid mid u gacan qaaday madaxdii kala duwaneed ee garoonka kusoo dhaweeysay, iyadoo booqashadaani ay qeyb ka tahay dadaalada loogu jiro xoojinta nabadeenta Soomaaliya iyo isku soo dhawaanshaha Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo bulshada Caasimadda ay diyaar u yihiin soo dhaweynta isimada Muqdisho soo gaaray.

Guddoomiye ku-xiggeenka labaad ee golaha shacabka BFS ayaa ka hadlay talaabadan ay Muqdisho kusoo gaareen isimada Puntuland iyo kuwa Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -