Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

QM oo dilkii weriye Khashoqji ka soo saartay Warbixin ka nixisay Max’ed Bin Salman

Sida ay sheegeen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay waxaa jira caddaymo muujinaya in Amiirka leh dhaxalka boqortooyada Sacuudiga Max’ed Bin Salmaan iyo masuuliyiin kale ay ka dambeeyeen dilkii wariye Jamaal Khashoqji.

Agnes Callamard oo qaabilsan warbixinnada khaaska ah ee QM ayaa sheegtay in caddaymaha la hayo ay u qalmaan in la sii sameeyo baaritaanno dheeri ah oo madax bannaan.

Sacuudiga ayaa sheegaya in dilkaas ay fuliyeen saraakiil hoose oo ka tirsan laamaha sirdoonka kuwaasoo aan amar ka heysan madaxda sare ee boqortooyada, waxaana la xiray 11 ruux oo aan la shaacin magacyadooda, kuwaasoo maxkamad qarsoodi ah ay dil ku xukuntay.

Balse Mrs. Callamard ayaa sheegtay in xukunkaasi uu yahay mid lagu marin habaabinayo ra’yul caamka dunida, uuna ka hoos maray habraacii caalamiga ahaa iyo nidaamyadii la aqbali karay.

Weriye Khashoqji ayaa lagu dilay qunsuliyadda uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

War Cusub oo kasoo kordhay Dibad Baxyadii ka socday dalka Sudan

Cabdi Cade

Israel oo duqeysay saldhigga ciidamada Qaramada Midoobay ee Koonfurta Lubnaan

Caydiid Ali

Dekadda Kismaayo oo laga soo saaray Haraadiga Maraakiib horey u degay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade