Daawo Sawirada: Banaan bax balaaran ay ka qeyb galeen Masuuliyiin oo ka dhacay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan taalada Daljirka Dahsoon ka dhacay banaan bax balaaran oo lagu taageerayay mataalada Gobolka Banaadir ku yeelanayo Aqalka sare ee dalka.

Banaan baxan oo soo abaabulay maamulka Gobolka Banaadir waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo masuuuliyiin kale.

Dadka banaan baxa dhigayay oo ka kala yimid degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir ayaa si weyn ugu faraxsanaa matalaada gobolka Banaadir ku yeelanayo Aqalka sare oo shalay Xildhibaanada golaha shacabka meel mariyeen.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Filish oo ka hadlay banaan baxa ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada ogolaaday in Muqdisho xubno mug weyn ku yeelato aqalka Sare, waxa uuna tilmaamay in reer Banaadir samreen ayna maanta xaqooda heleen.

Waxaa sidoo kale dadka banaan baxa dhigayay la hadlay Xildhibaano katirsan Baarlamanaka federaalka Soomaaliya kuwaa oo sheegay in ay hadana ka shaqeyn doonaan sidii magaalada Muqdisho maqaamkeeda u heli laheyd.

Banaan baxan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaana si weyn loogu soo dhaweeyay 13-ka xubnood ee gobolka Banaadir ku yeelanayo Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -