Wasiiro katirsanaa Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo lagu xiray Hargeysa

Wararka aan ka heleyno magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Wasiiro katirsanaa Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu xiray garoonka Diyaaradaha Cigaal.

Ciidamada amaanka ee ku sugan garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ayaa xiray labo Wasiir oo katirsanaa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya kuwaa lagu eedeeyay in si sharci daro ah kusoo galeen Somaliland.

Wasiirada lagu xiray magaalada Hargeysa ayaa kala ah Wasiirkii waxbarashada  Ibraahim Aadan Mahad ( Ibraahim Sacab) iyo wasiirka caddaaladda Cabdi Jamaal Axmed Qaloonbi , Wasiiradan ayaana kamid ahaa maamulkii Cabdi Maxamed Cumar.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in labada wasiir loo haysto in ay si dhuumasho ah ku soo galeen iyaga oon dal ku gal wadanin, isla markaasna ay rabeen in ay garoonka ugu duulaan si dhuumasho ah.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Wasiiradan ay doonayeen in dal dibada ah uga soo dhoofaan garoonka Diyaaradaha Cigaal, waxaana lagu soo waramayaa in qaab baxsad ah ku yimaadeen magaalada Hargeysa.

Wasiiradii iyo xubnihii kale ee kamidka ahaa maamulkii Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar ayaa hada la kulmaya xaalad adag, waxaana dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya ka dhacay isbadal deg deg ah oon horey loo fileyn.

Cabsi badan ayaa lasoo daristay masuuliyiin iyo xubno badan oo lasoo shaqeeyay maamulkii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya kuwaa oo ka cabsi qaba in Maxkamad lasoo taago laguna soo oogo dacwado.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -